Buugaan “Ciil iyo Cafis” marka aad akhrineeso waxaa soo dhoweesataa tissue ama masar si aad illinta ama ilmada iskaga tirtirto!
CIIL IYO CAFIS (Second Edition)
Sheeko Xabsi, Caddaalad-darro, Qabyaalad iyo Cafis
CIIL IYO CAFIS (Second Edition)
Sheeko Xabsi, Caddaalad-darro, Qabyaalad iyo Cafis
“Ciil iyo Cafis” waa sheeko dhab ah oo ka warramaysa xabsi, jirdil, caddaalad-darro, qabyaalad iyo nolol qurbaha ah, iyadoo ka tarjumaysa waayo-aragnimadii adkayd ee Maxamed Cabdi Caynab.
- Language
- Somali
- Format
- Paperback
- Pages
- 258
- Published
- 2026
Buugga “Ciil iyo Cafis” wuxuu ka hadlayaa dhibaatadii Maxamed Cabdi Caynab loo
geystay isagoo arday jaamacadeed ah. Wuxuu soo maray xabsi, jirdil, ciqaab iyo
caddaalad-darro xilligii taliskii Siyaad Barre. Waxa kale oo uu ka warramayaa
qabyaaladda Soomaalida, waaya-aragnimadii xabsiga, noloshii qurbaha iyo sidii uu uga
soo kabtay sannadihii adkaa ee noloshiisa laga lumiyay.
Buuggu wuxuu xambaarsan yahay dhacdooyin murugo, yaab iyo qosol leh oo si qoto
dheer u taabanaya akhristaha.
Maxamed waxaa la xiray isagoo ku jira waqtigii noloshiisa u fiicnaa da’ ahaan iyo filasho ahaan, maadaama uu ku jirey sannadkii u dambeeyey ee Kuliyaddii uu dhiganayey. Wuxuu ahaa wiil 20 jir ah oo ay xiiso u leedahay xaragada dhallinyaranimo, la bulsheynta saaxiibada iyo tamashlaha. Ma ahayn waqti uu qaabili karo in meel lagu oodo, waayo dadka waaweyni adkaysi bay u leeyihiin guri-fadhiga, laakiin dhallinta waa u ciqaab.
Maxamed waxaa hortiis la xiray aabihiis oo xabsiga lagu silic-diley, isaga xarigiisuna wuxuu dabo socdey kii aabihiis si qoyska dhan loo dhadhansiiyo ciqaab.
Buugga “Ciil Iyo Cafis” wuxuu ka warramayaa noloshii qoraaga Maxamed Cabdi Caynab, gaar ahaan sannadihii uu u xidhnaa taliskii Maxamed Siyaad.
Qoraagu si farshaxannimo leh ayuu akhristaha ugu sawirayaa waaya-aragnimadiisa, safarradiisa, magaalooyinkii uu maray iyo dhibaatadii uu la kulmay. Halkii uu taariikhda si toos ah u taxilahaa, wuxuu dhacdooyinka u tebinayaa si akhristuhu ugu dareemo inuu goobta la joogo qoraaga.
Waa buug runtii aad la yaabaysid waxa ka dhacay dulmi Soomaaliya, waana buug si fiican u dhigaya in uu Rijiimku dembiga galay balse aan eed gaar ah la saarayn qabiil gaar ah.
“CIIL IYO CAFIS” waa buug aan aad u jeclaystay akhriskiisi. Waa buug aad mar qoslaysid, mar ooyaysid, mar yaabaysid, marna ku tusinaaya in aadan nolosha ka quusan, kuna tusaya in wax kasta laga soo kaban karo.
Waa buug ku tusinaaya caddaalad-darradii dawladdii Kacaanka iyo sida qofka Soomaaliga ahu xuquuqdiisa loo dayacay.
Waa buug ku habboon in qof kasta oo Soomaali ahi akhriyo.